shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Abaanduulihii guutada 9aad ee maamulka Somaliland Kornayl Dalbac iyo Ciidamo uu Hogaaminayo oo ka Goostay Maamulkiisii warsaxaafadeedna ku qabtay Buuhoodle

 

                      (Buuhoodle, February 09,  2011 Ceegaag Online)

            Qudbadii Kornayl Axmed Maxamed Aadan(Dalbac) u jeediyay reer Buuhoodle Dhagayso

              

Magaalada Buuhoodle Waxa galabta siwayn loogu soo dhaweeyey Kornayl Axmed Maxamed aadan(Dalbac) oo kamid ahaan jiray Ciidamada Maamulka Somaliland Gaar ahaan Guutada sagaalaad ee Saldhigeedu yahay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolkaasi Togdheer Maantana si Rasmi ah ugu soo Biiray Ciidamada Deegaanka Buuhoodle.
 
Kornal dalbac iyo Ciidamada uu Hogaaminayo oo Gaadhay ugu yaraan 8 Gaadhi oo tigniko ah iyo 200 oo askar ayaana Maanta Magaalada Buuhoodle loogu sameeyey soo Dhawayn Balaadhan iyadoona looga hortagay Duleedka Magaalada Buuhoodle oo kaga Hortageen Xubno katirsan Wasiirada Puntland shacab Waynaha Reer Buuhoodle iyo Isimada Waxgaradka Buuhoodle.
 
 
Kornayl dalbac ayaana Dadwaynaha Magaalada Buuhoodle kala Hadlaya Garoonka Wayn Waxa uu sheegay inay tahay sababah uu uga soo Baxay Maamulka Siilaanyo kadib Markii uu damiirkiisu siin Waayey inuu la sii Joogo Maamulka Siilanyo oo dhawaan Shacabka Buuhoodle ku Xasuuqay tignikada gaadhaaman Waxa uu ugu baaqay inuu Ciidamadiisa kala Baxay Deegaanka Gobolka Cayn iyo Gobolka soolba.
 
Ugu danbaytiina Kornayl Dalbac ayaana Fariin Culus u diray siyaasiyiinta ka soo Jeeda Gobolada SSC ee haatan Xilika ka yahay Maamulka Somaliland Waxa uuna sheegay inay ka soo Baxaan Iska Casilaan Xilika ay Maaamulka Somaliland u hayaan.
 

Cali Dhagjar
Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com