Iyadoo Guud ahaanba Gobolada Wadanka Soomaaliya Guud ahaantii ay ka jirto Abaaro Baahsan oo saamayn ku yeeshay Guud ahaanba Noloshada Dadka ku Nool Manqada Soomaaliya  ayaa dhinaca kale Biyo la'aanta iyo Abaarta haatan ka taagan Guud ahaanba Gobolka Dalka Soomaaliya  Waxa ugu sii daran Gobolka Sool oo haatan biyaha looga Qaado Degmada Hurufadhi Ceelasha iyo Laasaha kuyaala Degmadaasi oo Booyadaha Biyuhu ugu jiraan Safaf dhaadheer.
 
Shabakada Wararka Ceegaag.com oo Booqasho ku tagtay Magaalada Hurufadhi ayaanu Baliga Magaaladaasi kula kulanay Qaarkamid ah Booyadaha Biyaha ka Xamaalayey Magaalada Hurufadhi Biyahaasi oo loo Watay Magaalada Laascaanood iyo Magaalooyinka Badan oo Gobolkaasi Sool ku teedsan oo biyo la,aan Xoogani haatan ka jirto.
 
Mid kamid ah Wadayaasha Booyadaha oo ka soo Kiciumay Magaalada laascaanood ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay inay Qiimaha Booyadaha Biyaha Macaan laascaanood gaadhay 180$ Doolar halka Foostana la kala siisanayo 10$ Waana Meeshii ugu saraysay ee Qiimaha biyuhu ka gaadhaan Guud ahaanba Mandaqada SSC.
 
Dadka Deegaanka ayaana Xiligani Waxa Abaarta iyo Xaalufka ku Dhuftay Xoolahooda ugu Darsamay Colaadaha haatan ka jirta Deegaanka Kalshaale oo haatan Saamayn ku yeelatay Xoolo dhaqatada iyo Ganacsiga Waxa Abaartani ka jirta Guud ahaanba Mandaqadu tahay tii ugu darnayd ee Abid soo Marta Dhulka Soomaalida....

 
 
Cali dhagjar
Buuhoodle