shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Daruur madow oo colaadeed oo dul hoganasa Waqooyiga Soomaaliya oo nabad baahday ka jirtay ilaa intii ay dhacday dawladii dhexe ee Soomaaliya.

 

(Maygaagle,  February 23,  2011 Ceegaag Online) 

Wararka nagasoo gaadhaya agagaarka baliga qadiimiga ah ee  Maygaagle ayaa ku soo waramaya in dagaalkii dib uga qarxay saaka, Daryanka rasaasta ayaa laga maqlayaa deegaanada ku xeeran Baliyadaa qadiimiga ah ee baryahan danbe hoyga u noqday daadinta Dhiiga Sokeeye.

Dagaalka ka soconaya dhinaca Hawdka ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu isu badalayo mid ay ku dagaalamayaan maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah oo gacan ka helaya qaabaa-ilada degan maamul ka Puntland, iyo ciidamada maamulka Somaliland.

Dagaalka saaka oo bilowday sideedii subaxnimo ee geeska afrikada bari ayaa hada waxaa madaafiic habow ah ay ku soo dhacayaan degaano aan horay wax dagaal ama colaad ahi uga jirin sida Horufadhi, lama garanayo cida ilaa imika madafiicdaa kusoo ridasa dhinacan.

Dhinaca nawaaxiga magaalada Laascaanood ayaa iyana ay ka jiraan dhaqdhaqaaq ciidan iyada oo ciidamada maamulka Somaliland dib ugu soo rareen Taliska Ciidanka ee Laascaanood tuulada Abeesolay, dhinaca Puntland ayaa iyana Talis ciidan ka dhigtay Tuulada Tukoraq.

Dagaalkan ayaa hada u muuqda  in waan waantii nabadeed laga tanaasulay  kuna dhamaankara uun ismuquunin MILATARI.

Warbixinta Colaadan Sokeeye kala soco www.ceegaag.com

Ibraahim Xasan Cismaan(Timo Wayne)

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com