shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Golaha Wasiirada Dowladda KMG ah oo maanta kulan xaasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

 

(Muqdisho, February 10,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa maanta shirkii caadiga ahaa isugu yimid golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya kulankaasi waxaa guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Golaha waxaa loo qeybiyay Agende ay soo diyaarisay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxayna ugu horeyntii goluhu ka doodeen dagaalka ka dhacay degaanka Kalshaale iyagoo u jeediyay baaq inay si dhaqso ah u joojiyaan dhiiga dadka walaalaha ah dhexdooda ka qubanaya, waxaa kale oo goluhu ka codsaday dhinacyadaasi in caqliga iyo maskaxda taliso, mas’uuliyiinta, oday dhaqameedyada, Culimaa’udiinka iyo inta kale ee bulshada ka tirsan inay u istaagaan sidii hab nabadeed loogu dhameyn xiisadaasi gacan ka hadalka dhalisay.

Golaha Wasiiradu kolkaa kadib, waxay ka wada hadleen abaaraha dalka ka jira oo ay ugu horeyntii warbixin ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo ka hadlay guddiga Qaranka ee gurmadka Abaaraha halka ay wax u marayaan wuxuuna Wasiirku sheegay inay jiraan deeqo soo gaaray guddiga si wanaagsana dedaalkoodu u socdo.

Guddoomiyaha shirka, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa isagoo ku hadlaya magaca golaha Wasiirada wuxuu ka codsaday Guddiga Gurmadka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha in wixii la hayo ee deeq ah si deg deg ah loo gaarsiiyo dadka tabaaleysan lana kordhiyo dedaalka lagula xiriirayo Soomaalida gudaha, Dibadda, Hay’addaha iyo dhamaan beesha Caalamka si loo helo kaalmo ku filan abaaraha ka jira dalka. Wuxuuna si gaar ah uga codsaday in biyo la gaarsiiyo dadka tabaaleysan.

Qaar ka mid ah golaha Wasiirada ayaa soo jeediyay in hay’addaha Dowladda mas’uuliyiintooda oo ay ugu horeeyaan golaha Wasiirada iyo Shaqaalaha Dowladda inay ka qeyb qaataan taakuleynta loo fidinayo dadka ay abaaruhu ku dhufteen. Ra’iisul wasaaraha oo talo soo jeedinta Wasiirada guddoominayay ayaa sheegay in muddo labo bilood ah xubnaha golaha Wasiirada bishiiba laga jaro mushaarkooda $500 (Shan boqol oo Dollar), sidoo kalena shaqaalaha dowlada laga jaro %5 (Boqolkiiba shan), iyadoo dhamaan xubnaha goluhu ay isku raaceen arrintaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha u soo jeediyay magacaabis Agaasimeyaal guud oo ay Wasiiradoodu hindise ahaan u soo jeediyeen kuwaasoo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa dood iyo falanqeyn kadib waxay isku raaceen.

1. Mudane C/llaahi Sheekh Maxamed Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah,
2. Mudane Maxamuud Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha
3. Mudane Muuse Faarax Xeyd, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Kolkaa kadib, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu hadalka siiyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta oo warbixin golaha ka siiyay heshiiska .SO oo ah Astaanta Internetka ee Soomaaliya oo ay shirkadda GMO Registry Int. u filineyso khidmad Wasaaradda qeybteeda Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku saabsan arrimaha Farsamada ee la xiriira Astaanta Internetka Soomaaliya. Waxayna goluhu cod u qaadeen heshiiskaasi iyagoo ansixiyay.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha wuxuu golaha u sheegay inay tacsi gashay Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Maryam Qaasim Axmed oo walaalkeed geeriyooday isagoo tacsi tiiraanyo lehna u diray qoyskii, iyo eheladii uu ka gaariyooday marxuumkaasi, waxayna u rajeeyeen inuu Eebe naxariistiisa jano siiyo.

Xafiiska Afhayeenka Xukuumada FKMG ah
Mudane Cabdi Xaaji Gobdono
media@opm.gov.so

 

webmaster@ceegaag.com