shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hayada ICRC oo Daawo Samafal ah soo Gaadhsiiyey Isbitaalka Buuhoodle, iyo Degmooyinka kale

 

(Buuhoodle, February 10,  2011 Ceegaag Online)

Kalmadii Dr C/rashiid Maxamuud Cali Saxar   Dhagayso

 

Ha'yada ICRC oo kamid ah Ha,yada Samafalka ah ayaa Isbitaalka Guud ee Magaalada Buuhoodle soo gaadhsiiyey Daawo Gurmad ah oo Farabadan oo Ha'yadu ka soo Rartay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, Dawadaasi oo Isbitaalka Buuhoodle uu soo gaadhsiiyey Dr C/rashiid Maxamuud Cali Saxar isla Markaana uu ku Wareejiyey Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Cayn iyo Masuuliyiinta Caafimaadka ee Buuhoodle.

 

Daawadaasi samafalka ah oo ahayd Daawadii ugu farabadnayd ee Ha'yada ICRC soo gaadhsiiso Isbitaalka Guud ee Magaalada Buuhoodle ayaa Waxa loogu tala galay inay Qayb ka Qaadato Samafalka Dhaawacyada ku soo dhaawacmay Dagaalkii ka dhacay baliga kalshaale, Waxana kaloo Daawooyinkaasi Qaarkamid ah loo Diray Magaalooyinka Hurufadhi, Xadhadhanka, iyo Sool Joogto.

 

Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaana saaka Booqasho ku tagtay Isbitaalka Guud ee Magaalada Buuhoodle oo halkaasi Warbixin naga siiyo Daawada la keenay Agaasimaga Guud ee Isbitaalka Ha'yada Manhal Dr C/rashiid Maxamuud Cali Saxar oo Daawadaasi Waday, Waxaana kaloo Mahad Celin halkaasi ka soo Jeediyey Isuduwaha Caafimaadka Buuhoodle iyo Madaxa Bisha cas oo Ha'yada ICRC Mahad uga Celiyey Daawadan Samafalka aheyd ee Dr C/rashiid soo gaadhsiiyey.


Cali dhagjar                                              
Buuhoodle  
                                                                     

                   webmaster@ceegaag.com