Magaalada Buuhoodle Waxa Maanta Kulan Balaadhan ku yeeshay Isimada Cuqaasha Saraakiisha Ciidamada Buuhoodle Xubno katirsan Qurba jooga Buuhoodle iyo Waxgarad kale oo Maanta kulankaasi Goob joog ahaa, Kulankani ayaana looga Hadlayey oo Waxgaradka Buuhoodle iyo Saraakiisha Ciidamadu Su,aalo ka Waydiiyeen Xubno katrisan Cuqaasha
Isimada Buuhoodle oo la yeeshay inay Xiriir Xaga taleefoonka ah la Sameeyeen Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo Warkaasi oo lagu `Daabacay War Baahinta Jidbaale.


Xubnahani loo `Haystay eedaytaasi ayaan goobtaasi Waxgaradka Buuhoodle uga Cadeeyey inaanay Wax Xiriir ah la samay Madaxwayne Siilaanyo Waligood niyadana ugu jirin inay Maamulkaasi Somaliland Xiriir la Sameeyaan, iyadoo lagu jiro Xaalada dagaal iyo Kacdoon shacab oo Weerar lagu soo Qaatay Deegaano katirsan Mandaqada Gobolka Cayn.

Goobtaasi ayaana Waxa Daddawaynaha Dhexdiisa lagu Dhaariyey Suldaan Siciid Cismaan Cali Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar iyo Caaqil Cabdilaahi `Xasan Qanbi oo Goobtaasi ka sheegay in Warkaasi yahay War been ah oo
sharaf tooda lagu dilayo, Waxayna Xubnahaasi kamid ah Isimada iyo Waxgaradka Buuhoodle Dhaliil Xoogan goobtaasi uga soo Jeediyeen War baahinta Caadaysatay Wararka Been ah, Ugu danbaytiina Waxa loo balamay in isku Meel looga soo Jeesto Cadowga lana Mideeyo Difaaca Deegaanka.

Daawo Sawirada Shirkaa




Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle.