Waxa Maanta La siidaayey Kayse Jaamac Bulaale oo kamid ah Maxaabiistii lagu Qabtay Dagaalkii Dhawaan ka dhacay Deegaanka Kalshaale, Kayse Jaamac Bulaale oo katirsanaa Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa lagu soo Qabtay dagaalkaasi Waxana in Mudo ah lagu haye Magaalada Buuhoodle oo intii uu Maxbuuska ahaa loola Dhaqmay si Wanaagsan iyo 'soo dhawayntii ugu saraysay oo ka helay Dadkii gacanta ku hayey' Kayse .

Waxaana Kayse Jaamac Bulaale la Siidaayey saaka kadib Markii kulan Balaadhan ayka yeesheen arintiisa  Waxgaradka Buuhoodle in ninkaasi la siidaayo oo Deegaan ahaan ka soo Jeeda Magaalada Barbara ee Xarunta Gobolkaasi Saaxil, Waxayna Waxgaradka Buuhoodle Siidaytaasi ku Micneeyeen in labada Beelood ee ka soo kala Jeeda Barbara iyo Buuhoodle aanay ka dhaxay Wax Colaad ah, Sidaa awgeedna Kayse la siiyey Xoriyadiisii.

Goobtaasi lagu siidaayey ninkaasi waxa ugu horayba Hadalka Qaatay Oday Abdi Casiis Ducaale Qanbi oo ka hadalay Sababaha ay u sii daayeen Kayse, sidoo kale  waxaa Goob joog ahaa Caaqil Cabdi Samad Cali Xasan iyo Maxamuud Axmed Cabdi( Badhabadha) oo kamid ah Waxgaradka Buuhoodle oo Siidayta ninkaasi u galay Dadaal Xoogan.

Kayse Jaamaca Bulaale oo kadib Siidaytiisa Warbaahinta la Hadlay ayaa Ka Codsatay maamulka Somaliland in si wanaagsan loola dhaqmo  Maxaabiista lagu Qab Qabtay Dagaalkii Kalshaale ee Ku Xidhan Xabsiyada Magaalooyinka Burco iyo Mandheera.



Cali dhagjar
Buhoodle