shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxaha Budhcad badeeda Soomaalida oo khaarijiyay 4 qof oo Mareekan ah oo ay qafaasheen kadib...

 

(Badwaynta Hindiya,  February 22,  2011 Ceegaag Online) 

Kooxaha budhcadbadeeda ee Soomaaliya ayaa saaka wada toogtay dhamaan 4 afar qof oo ay qafaasheen ka dib markii weerar uga yimid ciidamada bada ee Mareekanka.

Dhinacakale Ciidamada Mareekanka ayaa dilay 4 afar kamida Budhcadbadeedii Soomaaliyeed, halka ay nolol ku qabteen ugu yaraan shan iyo toban kale.

Nin u hadlay Budhcadbadeeda ayaa wacad ku maray inay cidii isku dayda inay kasii dayso dadka ay qafaashaan bilaa madax furasho inay uun qaadan doonaan maydadkooda, isga oo ku nuux nuux saday inaysan wax arxan ah u galaynin maadaama ayuu yidhi aan iyagaba loo naxariisan marka gacanta lagu dhigo.

Lamaane kamida labada lamaane yaasha la khaarijiyay ayaa iyagu dawaafayay badyawga dunida iyaga oo dadka ay la kulmaan u qaybinayay buuga masiixiga ilaa sanadkii 2004 ta.

Falkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay ku kacaan kooxaha budhcadbadeeda iyada oo uu falkan yimid markii ay budhcadbadeedu ogaadeen in dawlda Mareekanku gacan bira ku qabato danbiilayaasha, tasoo sabatay in iyaguna waa budhcadbadeeda e inay is ticmaalaan hubkooda inta aan la khaarajin ama la qab-qabanin.

www.ceegaag.com

                                                                                  

webmaster@ceegaag.com