shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kornal Dalbac oo La Kulmay Waxgaradka Buuhoodle, Daawo Hubkii uu kala soo Goostay Maamulka Somaliland

 

(Buuhoodle, February 10,  2011 Ceegaag Online)


Kadib Markii uu Maalintii shalayto Magaalada Buuhoodle lagu soo Dhaweeyey Ciidamo uu Hogaaminayo Kornal Axmed Maxamed Adan(Dalbac) ayaa Dhinaca kale Waxa uu Kornaylku lagu soo dhaweeyey Guriga siwayn Waxa uu haatan Magaalada Buuhoodle uu kulamo Deg deg ah kula yeeshay Waxgaradka Gobolka Cayn oo shir Balaadhan oo ka dhacay Guriga Odayaasha ku soo dhaweeyey, kulankaasi oo goob joog ahaayeen Xubno katirsan Wasiirada Dawlada Puntland Saraakiisha Ciidamada Buuhoodle iyo Qaarkamid ah Qurba jooga Buuhoodle.

Muhiimada Kulankaasi ayaana looga Hadlay Xaalada Haatan ka jira Guud ahaanba Nawaaxiga Buuhoodle iyo dagaaladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Baliga kalshaale Qaabkii ugu Haboon ee Xaaladahaasi loo Gurfayn lahaa,m kulankaasi ayaana ahaa Mid siwayn Waxgaradka Buuhoodle ugu Mahad Celiyeen Ciidamadii uu Hogaaminayey Kornaylku ee ku soo Biiray Ciidamada Deegaanka Buuhoodle iyo Difaacada Deegaanka Buuhoodle.


Kornayl Dalbac ayaa ah Kornaylkii ugu Danbeeyey ee Ciidamada Maamulka Somaliland ku jiray ee deegaan ahaan ka soo Jeeda Gobolka Cayn Waxa Dadwaynaha Buuhoodle haatan iswaydinayaan Talaabada uu Qaaday Kornalku, Waxa Wararka Qaarkoo ay sheegayaa in Culus Badani uu kaga yimid Beesha uu ka soo Jeedo, iyo Waxgaradka Buuhoodle inuu Iscasilo.



 


Cali dhagjar                                              
Buuhoodle  
                                                                     

                   webmaster@ceegaag.com