Shirkada Isgaadhsiinta ee Somtel International ayaa Degmooyinka Ceegaag hurufadhi Gaadhsiisay adeega shirkada Isgaadhsiinta ee Somtel u hayso Guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed adeegaasi oo haatan laga hirgaliyey Magaalooyinkaasi oo ah Istimaalka Land lineka oo Markii ugu horaysay la gaadhsiiyey Ceegaag iyo Hurufadhi, iyadoona horay adeegga Mobilku si toos ah deegaanadaasi uga shaqayn jirya.

Waxana talaabadaasi ay Qaatay shirkada Somtel ee lagu hurumarinayo Guud ahaanba Istimaalka adeega somtel siwayn u soo dhaweeyey Bulshada deegaankaasi oo ku tilmaamay talaabo Geesinimo leh oo shirkada Somtel Qaatay, Waxan aad kala Xiriiri kartaa lanbarada kala ah 0025279760298 Ceegaag line Line, Hurufadhi 0025279450069 00 haatan aad kala Xiriiri karto Qaraabadaada iyo Eheladaadaba ee Magaalooyinkaasi ku sugan.


Maayeeraha shirkada somtel Buuhoodle Cali Daahir Cilmi ayaa dhinaca kale u sheegay shabakada Wararka Ceegaag.com in shirkadu sanadka Cusub bilaabayso adeegyo kale oo Macaamiisheeda Raali galiya, Waxa kamid noqon Doona isticmaalka adeega Internetka oo la gaadhsiiyo Meel kastaba, intii shirkadu jirtayna Waxa Wayn ka Qabatay Guud ahaanba Horumarka isgaadhsiinta ee Mandaqada.


Cali dhagjar
Buuhoodle