shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafti Balaadhan oo ka socda Puntland oo Galabta soo gaadhay Buuhoodle Saxaafadana la Hadlay

 

(Buuhoodle, February 06,  2011 Ceegaag Online)

Dhagayso Wareesigii Wasiir Kuxigeenka Wasarada Caafimaadka ee Puntland Dr Maxamed Xirsi Ducaale Dhagayso

Waxa Galabta Magaalada Buuhoodle soo gaadhay Wafti Balaadhan oo Hogaaminayo Wasiir Kuxigeenka Wasarada Caafimaadka ee Puntland Dr Maxamed Xirsi Ducaale Waftigaasi oo ka soo Kicitimay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, Waftigaasi ayaana Waxa ay ka koobnaayeem Gudoomiyaha Gobolka Cayn iyo Maayarada Degmooyinka Buuhoodle katirsan oo horay Magaalada Garowe ugu sugnaa.
 
Wasiirkuxigeenka oo Markii uu soo galay Magaalada Buuhoodle Saxafiyiinta kula Hadlay Hotelka uu ka soo degay Waxa uu Wasiirku sheegay in Ujeeda sacdaal koodu ku saabsan yahay in ay Gobolka Cayn ka Bilaabeen Guud ahaantiis Gurmad Biyood oo Deg deg ah oo la gaadhsiinayo Degmooyinka iyo Tuulooyinka Gobolka Cayn oo Dhan.
 
Wasiirkuxigeenka Caafimaadka Puntland Dr Maxamed Xirsi Ducaale oo Shabakada Wararka Ceegaag.com siinayey Waraysi Khaas ah ayaa sidoo Kale u sheegay inay u Yimaadeen Gobolka Cayn Xiisadaha haatan ka jira Deegaanka Kalshaale iyo Weerarada Ciidamada Maamulka Somaliland ku soo Qaateen Deegaano kamid ah Buuhoodle, Wasiirka ayaana si Kulul u dhaleeceeyey Faragalinta uu Maamulka Somaliland ka Wato Gobolka Cayn...

Cali dhagjar

Buuhoodle

 

webmaster@ceegaag.com