shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalkii maanta ka dhacay Hagoogane iyo Maygaagle

 

(Buuhoodle, February 20,  2011 Ceegaag Online) 

Maleeshiyo hubaysan oo ka soo jeedda deegaanka Buuhoodle iyo ciidamada maamulka Somaliland ayaa saaka abbaarihii 5 subaxnimo dagaal iskaga horyimi degaannada Maygaagle iyo Hagoogane. Dagaalkaas  saaka bilaabmay ayaa  istaagay galabta galinkii danbe ee manta,kaasoo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan dhinacwalibana uu sheeganayo in uu jabiyay dhinaca kale.

Wariyaha shabakadda Ceegaag ayaa xaqiijiyay in dhinaca Buuhoodle inta la hubo ay ka dhinteen 9 ruux halka dhaawucuna yahay ilaa 15 iyadoo ay jiraan dadkale oo loomalaynayo in ay maxaabiis ahaan u kaxaysteen ciidanka Soomaaliland .. Dhinaca kale wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Qorulugud iyo Burco ayaa sheegaya in ciidamada Soomaaliland ay ka dhinteen ugu yaraan 6 askari 10 kalana ay ka  dhaawacmeen iyagoo dhaawacaas la gaadhsiiyay cusbitaalka Burco, Dhinaca Buuhoodle ma jiraan illaa iyo hadda maxaabiis laga soo qabtay ciidanka Soomaaliland oo la keenay Buuhoodle.

Waxaa jira warar iskhilaafsan oo sheegaya in labada ciidan ee dagaalku dhexmaray ay mid waliba sheeganayo in ay gacanta ku hayaaan degaannadii lasyku farasaaray saaka iyo galabta ee Hagoogane iyo Maygaagle.

Arrintu si kastaba ha ahaatee lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay degaannadaas aan kor ku soo sheegnay,umana suuragalin wariyahayaga shabakadda Ceegaag Online ee Buuhoodle in uu arrintaas noo soo  xaqiijiyo maanta ,balse waxaan idiinsoo gudbindoonnaa wararkaas wixii ka soo kordha saacadaha innagu soo fool leh.

www.ceegaag.com

                                                                                  

webmaster@ceegaag.com

 

                                                  

abtay dagaalkii maanta oo la keenay Buuhoodle.