shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Warsaxaafadeed ka soo baxay Kulankii Golaha Wasiirada DF Soomaaliya

 

(Muqdisho, February 03,  2011 Ceegaag Online)

Waxaa maanta shir isugu yimid Golaha Wasiirada Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya iyadoo uu shir gudoominayay R/wasaaraha Xukuumada FKMG Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo looga dooday Shirka qodobo badan.

Ugu horeyntii Golaha Wasiiradu wax ay ka doodeen qormo ay soo gudbiyeen guddi heer Wasiirro ah oo hore loogu xilsaaray kuna saabsanaa habraaca howlaha kala guurka ah iyo qorsho howleedka Dowlada iyo Sida ugu hanoon ee Golayaasha Dastuuriga ah ee Qaranka uga gudbi karaan marxalada dhamaadka waqtiga Dowlada FKMG ee ku eg bisha Augost 2011-ka, dood dheer kadib Goluhu waxuu isku raacay in dib loogu soo celiyo muddo yar gudaheed.

Golaha Wasiirada waxa kale oo ay maanta ka doodeen dib u habeeynta Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha, waxaana la soo hordhigay Afar Musharax oo u tartamayay xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, dood dheer kadib waxey isku raaceen in Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyada loo magacaabay Marwo Aamino Sh. Cismaan oo aheyd Agaasimaha waaxda Miisaaniyada ee Wasaarada Maaliyada, laga soo bilaabo 2006-di ilaa xiligan Bare Macalinna ka ah Kuliyada Dhaqaalaha ee jaamacadda Muqdisho.

Golaha Wasiiradu wax ay ka hadleen shilkii ka dhacay Isgoyska Banaadir  arintaasi oo dood kadib loo xolsaaray guddi heer Wasiirro ah oo qabanqaabiya sidii dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ee aan dalka guduhiisa wax looga qabankarin loogu qaadi lahaa dalka jabuuti si loogu soo daweeyo, iyadoo sidoo kalena ay Dowladu taakuleyndoonto dadka dhaawaxyada fudud qaba, kuwa dhintana wax ay u direen tacsi iyagoo sheegay in ay fiiro gaar ah u yeelandoonaan Mustaqbalka,

R/wasaare Xukuumadda Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Gilihiisa Wasiirada ayaa Mahadnaq balaaran u jeediyay Madaxweynaha Jamhiirida Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle Dowladiisa iyo Shacbiga aynu walaalaha nahay ee reer Jabuuti oo marwalba walaalohooda Jamhuuriyada Soomaaliya la garabtaagan hiil iyo hoo aan kala go’laheyn.

 

Afhayeenka Xukuumada

Mudane Cabdi Xaaji Gobdon

media@opm.gov.so

 

webmaster@ceegaag.com