shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland oo Booqatay Dhaawacyadii loo Qaaday Magaaladada Gaalkacyo

 

(Gaalkacayo, February 10,  2011 Ceegaag Online)

Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Dawlada Puntland Caasha Geele Diiriye oo nooga xogwarantay xaalada dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii kalshaale ee loo qaaday Gaalkacyo Dhagayso

Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Dawlada Puntland Caasha Geele Diiriyey Wafti Balaadhan oo ay Hogaaminaysay ayaa Maanta Booqasho ugu tagay Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo Dhaawacyadii ku soo dhaawacmay Dagaalkii ka dhacay Baliga Kalshaale ee Dhexmaray Ciidamada Maamulka Somaliland iyo Ciidamada Beeleedyada Deegaanka Buuhoodle.


Kadib Booqashaqadii Dhaawacyada ee Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Puntland Caasha Geele Diiriyey ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com Talefoonka Magaalada Gaalkacyo kula Xiriirtay Waxa Ceegaag.com Wasiirada Waydiisay inay faah faahin naga siiyo Xaalada Caafimaadka ee Dhaawacyadaasi ku Dhaawacmay Dagaalkii kalshaale ee haatan ku jira Isbitaalka Magaalada gaalkacyo.


Wasiirada ayaana sheegtay inay dhaawacyadiis Heleen Daryeelkii Caafimaadka kii ugu sareeyey Isla Markaana ay joogaan Gurigoodii iyo Wadankoodii Wasiirada ayaana sheegtay in Dhamaan shaqaalaha Caafimaada ee Gobolka Mudug oo dhan la galiyey Heegan Buuxa kii ugu Sareeyey shacabka Gobolka Mudugna Diyaar u yahay Walaalahooda ku soo dhaawacmay Dagaalka ka soconaya meelo kamida Gobolka Cayn.

Cali dhagjar                                              
Buuhoodle                                                                

webmaster@ceegaag.com