shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka Dhaqanka & Dhiirigalinta Bulshada ee Gobolka Alberta oo booqasho kormeer ah ku yimid Xarunta SCERDO.

 

(Edmonton, February 5,  2011 Ceegaag Online)

Wasiirka Dhaqanka & Dhiirigalinta Bulshada ee Gobolka Alberta Mudane Lindsay Blackett ayaa kormeer shaqo ah ku yimid xarunta Hay’adda waxbarashada & horumarinta Reer miyiga ee SCERDO.

Mudane Lindsay Blackett waxaa kusoo dhaweeyay dhamaan howlwadeenada Hay’adda iyo dhalinyarada tababarku uga socdo xarunta SCERDO, waxaana warbixin kooban oo ku saabsan howlaha ay qabato Hay’addu kusiiyay wasiirka gudoomiyaha gudiga fulinta Bashiir Haaji Cali (Jamaal) isagoo uga waramay mashaariicda Hay’addu ay ka fuliso Dalkan Canada gaar ahaan magaalada Edmonton iyo Somalia.

Waxaa kaloo wasiirku warbixin ka dhageystay Dhalinyaro tababar shaqo xirfadeed ah uga socdo xarunta hay’adda SCERDO, kulanka waxaa goob jog ka ahaa wasiir kuxigenka wasaarada dhaqanka & Dhiirigalinta Bulshada Lois Hawkins iyo agaasimayaasha guud ee laamaha kala duwan e wasaaradaas.

Wafdigan oo socdaalkoodu ku saabsanaa ukuurgalida waxqabadka hay’adda iyo sidii wasaaradaasi uga caawinlahayd hay’adda SCERDO xaga dhaqaaalaha si loogu adeego bulshada Soomaliyeed eek u dhaqan Magaalada Edmonton.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa amaan balaadhan usoo jeediyay waxqabadka hay’adda SCERDO kuna biiriyay in ay sii labalaabaan waxqabadkooda gaar ahaan howlaha ay u qabtaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Source: SCERDO  

webmaster@ceegaag.com