shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Caasimada Muqdisho iyo Gobolada Hiiraan, Bakool iyo Gado oo laga bilaabay in laga sifeeyo Xarakada Alshabaab.

 

(Muqdisho,  February 24,  2011 Ceegaag Online) 

Ciidankii ubadnaa abid ee dawladi isu keento ilaa intii ay dhacday dawladii hore ee Soomaaliya ayaa ka hawlgalay Gobolada Hiiraan, Bakool, Gado iyo Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamadan oo ay hogaaminayaan Xukuumada Raysal wasaare Farmaajo ayaa ka bilaabay Soomaaliya dhineceeda Koonfureed dagaal foolka fool ah oo ay la galayaan xarakada Alshabaab oo iska diiday dhamaan waan waantii ay dawladu ugu baaqday ilaa intii lasoo dhisay.

Madaxda dawlada ee manta dagaalka hagasay waxa kamida R/wasaare Ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Mudane C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/Kariim Xasan Jaamac,  wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka C/shakuur Sh.xasan faarax, , wasiiru Dowlaha xafiiska R/wasaaraha marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Ibraahim Isxaaq Yarow.

Dawlada Soomaaliya ayaa u muuqata in ay isla heshay kaalmo milatari iyo ciidamo tababaran oo wax ka badali kara xasilooni ku soo celinta dalka Soomaaliya qaybtiisa Koonfureed ee ay rakaadiyeen siyaasadaha goolad  ku wareega iyo colaada sokeeye ku dhisan.

 www.ceegaag.com

                                                                              

webmaster@ceegaag.com