shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad lagu soo afmeeray qaybtii 2aad ee dhismaha Iskuulka Hoose Dhexe ee Ceegaag Bari oo shalay ka dhacday Ceegaag.

 

(Ceegaag, February 16,  2011 Ceegaag Online)

Magaalda dhismasa ee Ceegaag  ayaa si habsami ah uga socdaan mashaariicda horumarineed ee ay fulinayaan Ha'yadaha caalamiga iyo kuwa madaniga ah, Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagusoo afmeeray Dhismo ku kordhin ay Ha'yada Caalamiga ah ee Somali Canadian Education Rural Development Organization  (SCERDO) ka waday Iskuulka Ceegaag Bari.

Mar uu booqday wariye Cali Dhegjar Ceegaag ayuu noo soo sheegay in dhismayaasha magaalada Ceegaag ay si xawli ah u socdaan dhinaca kale ay magaalada hadhaysay culayska Abaaraha ku habsaday dhulka ay degaan dadka ku hadla Afka Soomaaliga.

Mashruucan oo hayada SCERDO ugu kor dhisay Iskuulka Hoose Dhexe ee Ceegaag Bari Sadex Qol Oo fasalo ah, Xafiis, laba Musqulood, iyo Barkad ayaa la filayaa inuu mashruuca dhismihiisu haatan ka dib u jan jeersamo dhisida dhismayaasha Hoy-Ardayeed kasoo wax badan ka caawin doona ardayda qoysaskoodu reer guuraaga yahay inay helaan waxbarasho Joogto ah.

Mar aanu la xidhiidhnay qaar ka mid ah masuuliyiinta reer Ceegaag ayay noo sheegeen inay u mahad celinayaan Jaaliyada dibada Sidii ay ugu soo Gurmadeen Balse wali Abaartu hayso loona baahan yahay in taakulaynta dhinacwalba ah siiba tan Biyo-dhaaminta in aysan Jaaliyadu Hakad ka galin.

Duqa magaalada Ceegaag Cabdriigle Xaaji Cali ayaa isna u mahad calinaya Ha'yaada SCERDO sida ay mar walba uga qayb qaadanaso samato bixinta Dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Ceegaag oo ay u fidisay gacan gacaltooyo waasida uu hadalka u dhigaye.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

                                                                                  

webmaster@ceegaag.com