shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xawaalada Amal Express Buuhoodle oo lagu Sameeyey dib u Habayn Casri ah, Xafiis Cusubna ka Furatay Buuhoodle

(Buuhoodle, February 13,  2011 Ceegaag Online)


Waxa Guud ahaanba Dib u habayntii ugu saraysay lagu sameeyey Xafiiska Xawaalada Amal Express Laanteeda Magaalada Buuhoodle oo haatan dib loo Casriyeey nidaamkii Xawaalada isla Markaana Shirkada Amal Express Banki Cusub  ka Furatay Magaalada Buuhoodle iyadoona shirkada ka soo Guurtay Xaruntii hore oo haatan furatay Xarun Wayn oo ku taala Bartamaha Magaalada Buuhoodle gaar ahaan Suuqa Wayn ee Ganacsiga Buuhoodle.


Masuuliyiinta shirkada Amal Express gaar ahaam Suleemaan Khaliif Axmed oo haatan Booqasho shaqo ku Jooga Magaalada Buuhoodle ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay in Isbedelka Xoogan ee lagu sameeyey Amal Express uu la Xiriiro Qancita Macaamiisheeda Guud ahaanba Deeganka Buuhoodle, Waxana Kaloo uu Sulaymaan sheegay in adeegii shirkada Laanteeda Buuhoodle kor loo Qaatay la keenayna shaqaalaha Dheeraad ah oo Macaamiisha u adeega.


Talaabadan ay Qaatay Amal Express ayaa Guud ahaanba Macaamiisheeda Buuhoodle siwayn u soo dhaweeyeen iyo Bankiga Casirga ah ee Shirkada Amal ka Hirgalisay Magaalada Buuhoodle, Waxana haatan Xarunta Amal Exprees safaf dhaareed ku jira Xili aanu Booqanay Macaamiisha oo Xiligaas lacago ka Qaadanayey Xawaalada iyagoona Mahad u Celiyey Guud ahaanba Maamulka sare ee Shirkada Xawaalada Amal Exprees taalabada ay Qaateen.



Cali dhagjar
Buuhoodle
 

                                                                                  

webmaster@ceegaag.com