shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xukuumada Soomaaliya oo war saxaafadeed kasoo saartay colaada ka aloosan Baliyada qadiimiga ah ee Kalshaale iyo Hagoogane ee gobolka Cayn

 

(Muqdisho, February 07,  2011 Ceegaag Online)

Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya waxay aad uga xuntahay dagaalada ay dhiiga badani ku daadateen ee ka dhacayay maalmihii la soo dhaafay degaanka lagu magacaabo Kalshaale kuwaasoo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac iyo weliba barokac.

Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed waxay ugu baaqeysaa dhinacyada ku dagaalamaya degaankaasi Kalshaale inay si deg deg ah u joojiyaan gacan ka hadalka aan macnaha ku fadhiyin isla markaana ay wadahadal iyo wadaxaajood ku xalistaan khilaafaadkooda, sida looga bartay.

Odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, haweenka iyo dhalinyarada degaanadaasi waxaa loogu baaqayaa inay u istaagaan sidii loo joojin lahaa xiisada dhalisay gacan ka hadalka, xukuumada Federaalka ah waxay damaanad qaadeysaa dhankeeda inay  qaado dedaal kasta oo lagu daminayo xiisada.

“Goboladaasi waxay ka mid yihiin gobolada xasiloon ee dalka Soomaaliya, xukuumaduna wey ka walaacsan tahay in gobolo hor leh oo dalka ah ay dagaalo iyo xasilooni darri ka dhacaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha

media@opm.gov.so
 

Garad Salad Hersi
Press Officer office of the Prime Minister
Mobile: +252-615536608
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

 

webmaster@ceegaag.com