shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

YAA INOOGU JIRA!!!

 

(Somalia, February 20,  2011 Ceegaag Online) 

Garashada gurracani waxay somalida geyeysiisay guul-darrooyin fara badan, waxaana meesha ka baxay oo gebi-ahaan ba lumay halbeegii iyo miisaankii xumaha iyo samaha lagu kala sooci jiray, halbeegga keliya ee umadeenu ku tiirsan tahay wuxu noqday reerka iyo beesha. Sidaas darteed ayaan qormadan gaaban ugu doortay cinwaankan ( YAA INOOGU JIRA) Ujeedadu waxay daarran tahay inaan iftiimiyo qaybo yar oo ka mid dhibatoyinka inaga haysta dhanka halbeegga waxaynu rabno.

Maadaama somalida shirar badan loo qabtay labaatankii sano ee u danbeeyey inta badan qormadeenu waxay xidhiidh dhow la yeelan doontaa qaababka somalidu shirarka ula-falgashay  iyo siday u dhigtay waxyaaabaha ay higsanayns iyo himilooyinka yoolka mustaqbalkeeda.

 

Dabcan sidaan la socono somalida meelo kale oo ka baxsan dalkeeda ayey inta badan taladeedu ka timaadaa  taasna keli kuma ahee waxay la qabtaa africaanka intiisa badan sidaas darteed shucuubta africanka ah waxaa mararka qaar lagu magcaabaa ( la haystayaasha- xorta ah) cajiib waa lamo eray oo aa isu kaa qabanayn hadaad isla doonto.

 

Dadkaas talada gacan ku rimiska ah usoo dhoofiya somalida qorsha yaashooda waxay  u dirsadaan dad ay kasoo baaraan degeen in badan hubaana inay yihiin  kuwo caynaan jilicsan oo haa mooyee mayadu ay ku adagtahay.. 

Waxaan hubaa hadii ay qolyahas Somalida u arimiyaa ku dhawaaqaan inay doonayaan talada somalida inay u dhiibaan dad dhaqan ahaan iyo diin ahaan iyo damiir ahaan ba ka weecday wadada saxda ah inay qabaa’ilka somalidu u tartami lahaayeen siday hab beeleed ugu qaybsan lahaayeen dadka noocaas ah! waa taan qormadan ugu wanqalay yaa inoogu jira  su’aasha keliya ee la is warsadaa waxay noqon lahayd uun dadka dhexdiisa  inaga reer hebel ah yaa inoogu jira iyadoo aan la is weydiin dadka noocaas ahi ma geyaan taladeena iyo turxaan bixinta arimeheena sababtoo ah waxaa lumay halbeegyadii umadeed sidaan horay ba usoo sheegay !!!!!!!.  

 

TUSAALE-YAAL. 

 

Dadka dhaqan-guurku ku dhacay dhawr nooc bay isugu jiri  karaan, kuwo diintii tuuray baa laga heli karaa kuwo dhaqankii iyo afkii ka lumay baa ku jira !!

Tusaalayaasha aan rabo inaan ka bixiyo dadkii ay dhici karta hadii somalida talo loogu dhiibay inay beelo ku qaybsan lahaayeen waxa ka mid ah.

1: GAYS { homosexual society  khaniisiin) waa dadka dhaqankii toosnaa  iyo diintii intuba ka habaabay, marka waxaan is leeyahay hadii reer galbeedku maanta dhihi lahaayeen somalida waxaan rabnaa inaan u dhiibto dadkaas cidkalena uma ogolin talada in la heli lahaa Somali badan oo ku fekeraya war kolay taladii halkaas ayey maanta gashaye inaga hadaan nahay reer hebel yaa inoogu jira qoladaas oo xaqeena inoo dhicin kara.

Sababtoo ah waatay somalidu horeba ugu  maah-maahday belo belo u lahaw iyo ninkii doqonkiisa tuura nin doqonkiisa wadaa dila  waxay kaloo dheheen ilaahow cid ciilkana naga bi’isa cadaabkana naga xigsata hanoo waayin!!! Waxay tusinaysaa arintaasi heerta uu gaadhsiisan yahay jaah-wareerku.

 

2: CHRISTIAN: ( MASIIXIYIIN) : Somalidu waa dad Islaam ah intooda badan umana cuntamaan waxaan ka ahayn islamka ay rumaysan yihiin, inkastoo ay jiraan wakhtiyadii burburka ee la kala bay-hoofay dadka diintii ka baxay oo qaatay una xuub-siibtay diimo kale sida kiristaanka (ninka duday distoorkiyo waxyiga diinti ka carawye) taana malaha waxaa cadayn weyn u noqon kara shirkii somalida loogu qabtay Kenya markii baarlamaanka la xulayey ayaa waxaa madashii lagu arkay raga sheegtay inay yihiin (Somali cheristian minority ) (Somalida kiristaanka ah ee laga tirada badan yahay) waxayna ku gor-gortameen in baarlamaanka laga saami-geliyo iyagoo aan reero ka socone lagu tixgeliyo diintaas ay sheegteen inay aaminsan yihiin.

Marka la qiimeeyo sida dadku xilalka beenta ugu suxul duubayo ee loo kala hororsanayo ay kursiga iyo xilku galo halkaas aan sheegay waxaa meesha iman lahayd su’aal beeleedii ahayd horta yaa inaga inoogu jira qoladaas majaraha u haysa maamulka dalka, iyadoo aan cidina daryeelin caqiidadii iyo diintii ummadu lahayd iyo mabaa di’dii lagu abtirsanayey dabcan waa cayn-wareeg ina haleelay meel halis ahna inala maraya.

3: WARLORDS: Sidoo kale qab-qablayaal, jirri, mooryaan, dayday iyo derbi-jiifyo haday inoo keenaan reer galbeedku iyagana la caleemo saaro, cid kaloo dhana laga cuna-qabateeyo madaxnimada, shaki badani kuma jiro in dib loo baadhi lahaa buugga ay reer walba ugu qoran yihiin raggaasi si loo heli cid buuxisa booskaas banana baahida beeshana u daboosha, malaha waxaa la dhihi karaa waa tan ugu sahlan mooryaanta iyo jirridu waayo somalida awelba horay ugu jireen kuwani kumaba cusba..

4: HAWEEN: dumarku waa qayb muhiim ah oo bulshada ka mid ah ahna runtii tiir-dhexaadna umadeeda iyo baraha kowaad ee qofka bini-aadamka ahi leeyahay, laakiin aduunka kama jirto umad dhan oo haween keliya maamulaan ragguna aanu qayb ku lahayn qorshaha dalka.

Gabdheheena hadii talada laynoogu dhiibo kolayba waynu u tartami lahayn, sidii qolyihii hore ayuun baana loogu qori tuuran lahaa, sababtoo ah kuwii hore oo iyoagu xumaan tilmaanaa ayaan ba reero ku qaybsanee dumarku maxay qabaan waa waxba!!.

Waxaan is  leeyahay hadday reer galbeedku go’aanadaas aan sadaaliyey dhaqan gelin lahaayeen cid waliba marag iyo markhaanti ayey ka noqon lahayd waxyaalaha aan odorosahy, waxaan la’ arki lahaa iyadoo qabiil waliba leeyahay “Rag xumo wax kuma yeeshee yaan rag la’aan ku dilin” qaar kalena leeyihiin “ kab xume ma hadhee kab laawaa hadha” hadiiba aan leenahay rag jagooyinkaas noo qabta guul ayaan taaganahay waxayse darraan lahayd inagoo aan heli Karin raggaas iskana wayna maanta dad inoo qabta boos-beeleedka siyaasadeed ee aan xaqqa u leenahay.

 

GUNAANAD.

 

Waxaan kusoo geba-gebaynayaa qormadan gaaban, qofkasta oo Somali ah lana socda waayaha dalku marayo waxaan leeyahay: arimahaas aan sheegay maka suurtoobaan somalida mise anigaa mindi-roorteeyey ( la deg-degay) arinta ee waxaan nahay bulsho kala garan karta waxa u dan ah iyo dac-darrooyinka soo food saari kara, Aniga fahankaygu wuxuu  I siiyey in laynaga heli karo dad adeegsada halbeegyada noocaas oo kale ah, waxa ugu weyn ee ay higsadaana tahay yeydaan qadin wixi kaleba yeelkeeda !! waxay rabaan ay dhex-taal u tahay maah-maahda ah “meel ama ka muuqo ama ka maqnow” 

 

W/Q: Aadan  Cige Cali

Email: softhair05@hotmail.com

Xasuusin:

Fikrada Dadweynaha mas’uul kama aha Shabakada Ceegaag online ee Mas’uuliyadeeda waxay saran tahay Shaqsiga soo qora Fikirkiisa. 

                                                                                  

webmaster@ceegaag.com