shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Shirkadda SKA oo soo bandhigtay wax qabadkeeda Garonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho

 

(Muqdisho, February 01,  2011 Ceegaag Online)

Shirkada SKA oo heshiis ku saabsan sidii ay ula wareegi laheyd ammaanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kula jirta Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay qalab casri ah oo lagu baarayo dadka iyo shandadaha ay wataan ee dhoofaya garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho iyo kuwa soo galayo intuba.

Qalabkan oo maanta si tijaabo ah loogu shaqeynayay ayaa ka kooban mishin la marsiinayo dadka, boorsooyinka  iyo gawaari qaadeysa xamuulka ay wataan dadka garoonka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya.

Marlin Beale oo ah xiriirayaha hayada SKA oo saxaafada kula hadlay goronka ayaa sheegay in howshooda ay bilaabi doonaan marka ay Dowlada si rasmi ah ugu wareejiso sugidda amaanka garonka diyaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan Aadan Cadde ee magaalada Muqdisha

sidoo kale Maareeyaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Duuliye Sare Maxamuud Sh Axmad Dable Beylood oo isna warbahinta kula hadlay garoonka ayaa sheegay in qalabkan uu horay u lahaa garoonka balse  hay’adda SKA ay cilad bixisay isla markaana maanta si tijaabo ah loogu shaqeynayo taasina aysan ka dhigneyn in maanta hay’addu ay shaqadeeda si toos ah u bilaowday.

tijaabada maanta ay sameysay hay’adda SKA ayaa imaaneysa xilli uu weli baarlamanka iyo xukuumada dhexyaalo sharciyada shirkada SKA

webmaster@ceegaag.com