shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Tacshiiran nin ku dhintay midkalena ku dhaawacmay oo ka dhacday degmada Horufadhi

 

(Horufadhi, February 01,  2011 Ceegaag Online)

Wararka Naga soo gaadhay Degmada Hurufadhi oo katirsan Gobolka Cayn ayaa ku soo Waramaya in tacshiirad sababaytay Dhimasho iyo Dhaawac galabta ay ka dhacday Gudaha Magaaladaasi Hurufadhi, tacshiiradaasi ayaana Waxa Ku dhinta Hal Ruuxi Waxaana  kaloo dhaawac Culusi ka soo gaadhay Mid kale.

Dadkani Dhintay iyo Kuwa Dhaawacmay ayaa ka soo Jeeda Dhinaca Beelaha Bariga Burco oo sida la og yahah dagaal kala dhexeeyo beesha Deegaanka Buuhoodle oo iyagu ku Muransan Baliga Kalshaale oo dagaal labada Beelood ku Dhexmaray sababay Dhimasho iyo Dhaawac, halka uu Labo Maalin ka horna uu dagaal dhexmaray Ciidamo Beeleedyada Buuhoodle iyo
Ciidamada Maamulka Somaliland.

Wararkii ugu danbeeyey ee hada Naga soo gaadhay Magaalada Hurufadhi ayaana ku soo Waramaya in Xaalada Degmadaasi ay degan tahay tacshiiradaasi kadib, gabi ahaanba Mandaqada Gobolka Cayn ayaana haatan ka ka dhacaysa Dabaysha Colaada Mana jiraan Wax Waan Waan ah oo ka soconaya Guud ahaanba Deegaanka.

webmaster@ceegaag.com